Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa warqad waaran soo qabasho ah u jartay Axmed Maxamed Islaan Madoobe madaxweynaha Jubbaland oo lagu tilmaamay in uu yahay eedeysane.
Warqadaan oo aheyd amar soo qabasho ah ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir sheegtay in uu yahay codsiga ka soo baxay Xafiiska Xeer-Haaliyaha Guud ee Qaranka, kaasi oo ah in la soo qabto Axmed Madoobe.
Waxaa la faray Taliyaha Cidanka Boliiska Soomaaliyeed oo warqadaani si tooska ah ugu socotay in uu soo qabato, isla markaasna horkeeno Maxkamadda Gobolka Banaadir sida hadalka loo dhigay eedaysane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).
Ina Yustur Aw-Cabdi Haaruun Mr Madoobe ayaa xeer ilaalinta Soomaaliya ku eedeysay in uu ku kacay faldambiyeedyo lid ku ah sida hadalka loo dhigay Wadajirka iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed (Khiyaano Qaran) iyo faldambiyeed lid ku ah xog lala wadaago dal Shishceye, taasi oo ujeedu tahay dagaal lid ku ah Qaranka Soomaaliya.
Xeer ilaalinta ayaa Axmed Madoobe sida oo kale sheegtay in uu ku kacay faldambiyeed lid ku ah Nidaamka iyo Dastuurka Dalka.
Hadal heyn ka dhatay warqadaan ee ah qaabka dowladda Soomaaliya wax u wado ayaa is qabsatay baraha lagu xariiro ee bulshada, iyada oo dad qaar tilmaameen in wadada la isticmaalay ay adag tahay.
Waqadan ka soo baxday Xeer ilaalinta Soomaaliya ayaa daba socotay war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii golaha wasiiradda ee laba cisho ka hor Muqdisho, kaasi oo faray in Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka la farayo in uu si degdeg ah dacwad ugu soo oogo madaxweyne Axmed Madoobe, balse hadda eedeysane ah.
Isha ku haay HBN ONLINE TV