Xeer ilaalinta Soomaaliya oo war ka soo saartay xariga Sacdiyo Macalin

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Suleymaan Maxamed Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay kiiska Sacdiya Macalin Cali Xasan oo eedeysane ah iyo arrimo la xiriira wararka lagu faafiyo baraha bulshada. Wuxuu sheegay in kiiska Sacdiya uu marayo heer gabagabo ah oo dhinaca baarista iyo dacwad oogista ah.

Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in Sacdiya la xiray 21-kii April 2026, islamarkaana muddo 48 saacadood gudahood ah lagu horgeeyay maxkamad, si waafaqsan dastuurka dalka, isaga oo tilmaamay in Maxkamadda markaas dhegeysatay warbixinta hordhaca ah ee baarista, kadibna sharciyeysay xariggeeda.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hay’adaha baaristu ay dhammeeyeen faylka baarista, halka xafiiska xeer ilaalintuna uu kiiska u gudbiyay maxkamadda awoodda u leh. Waxa uu xusay in dhawaan la qaban doono dhageysiga dacwadda Sacdiya Macalin.

Dhanka kale, Xeer Ilaaliyaha ayaa ka digay wararka been abuurka ah iyo marin habaabinta lagu faafiyo baraha bulshada, isagoo sheegay in falalkaasi ay dhaawacayaan kalsoonida shacabka ee hay’adaha dastuuriga ah iyo nidaamka caddaaladda dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed