Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in uu qabtay gal dacwadeed ka dhan ah shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines, kadib markii la soo gaarsiiyay warbixin dambi oo sheegaysa in muwaadin Soomaaliyeed lagu magacaabo Cabdifitaax Axmed Xuseen si ula kac ah loogu sameeyay ku-tagrifal awood eed, laguna xadgudbay xuquuqdiisa dastuuriga ah, loona diiday in uu raaco diyaaradda isagoo raacaya habraacyada saxda ah ee safarka.
Cabdifitaax ayaa sheegay in Turahan Kenmen, oo ah Maareeyaha Xafiiska Turkish Airlines ee Soomaaliya, uu si toos ah ugu kacay falkaas, isagoo ku xadgudbay awoodiisa sharci iyo xuquuqdiisa muwaadinimo.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in markii uu helay warbixinta dambiga uu furay gal dacwadeed baaritaan lagu sameynayo, isagoo xaqiijinaya in tallaabada sharci ee ku habboon la qaadi doono marka baaristu dhamaato.
Xafiisku waxa uu ku adkeystay in ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay tahay waajibkiisa oo uu si hufan u ilaalinayo.
HBN ONLINE TV

