Ciidamada Gurmadka degdega ah ee RSF ayaa xasuuq ka geystay magaalada Omoudam oo ka tirsan gobolka Gezira ee badhtamaha dalka Suudaan, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 28 qof in ka badan 240 kalena way ku dhaawacmeen, sida uu sheegay ururka dhakhaatiirta Suudaan Axaddii.
RSF waxay go’doomisay gobolka al-Gezira 18kii Diseembar 2023 ilaa markaas waxay weerartay tobanaan tuulo.
Tuulada waxaa weeraray ciidamada RSF-ta oo ka kooban 200 oo dagaalyahan oo ku qalabeysan hubka fudud iyo kan culus, 60 mooto iyo in ka badan afar gaadiidka dagaalka ah, sida ay sheegeen guddiyada iska caabinta al-Hasaheesa.
Ujeedka weerarka ayaa ahaa in la hoos galiyo dadka ku nool tuulada oo gabaad u noqotay dadka degan tuulooyinka dariska ah kadib markii ay ciidamada RSF weerar ku qaadeen tuuladaasi oo ay dhac ka geysteen ayay sheegeen Guddiyada.
Dadkan ayaa ah dad kale oo ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay tuulada, balse lama tirin karo, isgaarsiintii ayaa go’day iyo xaaladda argagaxa iyo barakaca shacabka.
Dadka ay u suurtagashay in ay gaaraan isbitaalka ayaa ku badan isbitaalka al-Managil oo ay ka jirto xaalad caafimaad darro iyo dawo la’aan, Guddiyada ayaa sheegay Axadii.
Ururka dhaqaatiirta ayaa ku booriyay beesha caalamka, hay’adaha xuquuqul insaanka iyo kuwa samafalka in ay si deg deg ah u soo farageliyaan sidii loo joojin lahaa xadgudubyadaas, lagulana xisaabtami lahaa dambiilayaasha.
HBN NEWS DESK