Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay munaasabad duco iyo xusuus ah ayaa ammaan u jeediyay madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan, isagoo ku ammaanay dowlad wanaagga iyo dimuqraadiyadda uu ka dhaxlay. Munaasabadan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa lagu xusayay noloshii iyo waxqabadkii Aadan Cadde, kaasoo tusaale taariikhi ah u noqday isbedelada nabadeed ee Afrika.
Madaxweyne Maxamuud oo khudbad u jeediyay ka soo qeyb galayaasha shirka ayaa ku nuux nuuxsaday doorka muuqda ee Aadan Cabdulle uu ku leeyahay siyaasadda Afrika.
Aadan Cabdulle Cismaan, madaxweynanimadiisu waxay bilaabatay July 1, 1960, markii Soomaaliya lagu dhawaaqay Jamhuuriyad. Isagoo ahaa hogaamiyihii caanka ahaa ee SYL, waxa uu kaalin mug leh ka soo qaatay hanuuninta qaranka Soomaaliyeed mudadii uu dhisnaa. Muddadii uu xilka madaxweynenimada ilaa June 10, 1967kii, waxa ay ku suntaneed mabaadi’da dimuqraadiga ah iyo sareynta sharciga.
Doorashadii Madaxtinimada ee 1967-kii, Aadan Cabdulle waxa uu muujiyay sida uu uga go’an yahay Dimuqraadiyadda, isagoo si nabad ah xilka ugu wareejiyay Ra’iisal Wasaarihii hore, Rashiid Cali Sharma’arke, kaddib markii looga guuleystay Doorashadii. Falkan ayaa tusaale u ah mustaqbalka madaxda Afrika, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo natiijada doorashada iyo in la xaqiijiyo xasillooni siyaasadeed.
Kulankaan xuska ah ma ahayn oo kaliya in lagu maamuuso dhaxalkii Aadan Cabdulle ee waxaa sidoo kale lagu xasuusanayay taariikhda hodanka ah ee Soomaaliya iyo hidaha dhaqanka. Ka-qaybgalayaashu waxay dib u milicsadeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo qiyamka iyo hiddaha qaranka iyadoo loo halgamayo mustaqbal barwaaqo iyo dimoqraadi ah.
HBN NEWS DESK