Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho caawa gaaray magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan, taas oo la xiriirta hirgelinta heshiis lagu sheegay inuu ku saabsan yahay iskaashiga dibulamaasiyadeed oo Labada dal ay dhawaan wada gaareen.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalkan Ilham Aliyev iyo Xukuumaddiisa soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdigiisa iyo muhiimadda sare ee ay siinayaan kobcinta xiriirka Labada dal, iyadoo ay tahay booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku yimaado Azerbaijan.
Inta lagu guda jiro booqashada Madaxweynaha, Soomaaliya iyo Azerbaijan waxay kala saxiixi doonaan heshiisyo muhiim ah oo lagu guntayo xiriirka Labada dal, waxayna wafdiga Madaxweynuhu ay kulammo la qaadan doonaan dhiggooda dalkan.
Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu sheegay inay muujinayso sida hadalka loo dhigay ahmiyadda ay dowadda Soomaaliya siinayso ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha iyo amniga, si ay uga faa’iidaystaan labada dal iyo shacab ee Soomaaliya iyo Azerbaijani.
HBN ONLINE TV