Xasan Sheekh “Israa’iil si qarsoodi ah ayay u joogtay Somaliland, waxayna doonaysaa in…”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi siiyay telefishinka Al Jazeera wuxuu ku sheegay in Israa’iil ay doonayso in ay la wareegto marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika, isla markaana ay qorshaynayso in ay Falastiiniyiinta u rarto Somaliland oo ku tilmaamay gobol gooni-u-goosad ah, isagoo sheegay in tallaabadani ay ahayd mid lama filaan ah oo timid xilli Soomaaliya ay ku jirto dadaallo nabadeed oo lagu mideynayo dalka.

Isagoo ka hadlayay go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland, madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku jooga Turkiga isla markaana la kulmay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Somaliland ay “aqbashay in la keeno Falastiiniyiinta, dhismaha saldhig Israa’iil ah iyo ku biirista heshiisyada Abrahiim.”

Xasan Sheekh wuxuu intaas ku daray in “Israa’iil aysan ujeeddo nabadeed ka lahayn Somaliland,” isla markaana “Israa’iil horey si qarsoodi ah u joogtay Somaliland, aqoonsiga ay ku dhowaaqdayna uu sharciyeeyay arrimo si qarsoodi ah u socday.”

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu adkeeyay in Israa’iil “ aysan lahayn dano ama xiriir cad oo ku aadan Geeska Afrika, aysanna filayn aqoonsigan, isla markaana yahay faragelin aan loo baahnayn.”

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dunidu gebi ahaanba cambaareysay oo diiday go’aankan, wuxuuna yiri “ Wuxuu go’aankan yimid xilli aan u dhoweyn xalinta dhibaatooyin socday muddo dheer, isla markaana aan isku dayeynay mideynta dalka si nabad ah.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in shirkado gaar loo leeyahay ay si sharci-darro ah uga shaqeynayaan oo maalgashi uga wadaan Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu wareysiga uu siiyay Al Jazeera ku sheegay in Somaliland muddo 30 sano ah dalbaneysay aqoonsi caalami ah laakiin aysan weli helin, isla markaana Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si cad u sheegay in dalkiisu uusan raaci doonin dhabbaha aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed