Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay doorka isbeddelka iyo marxaladda lagama maarmaanka ka dhigi doonta in qof walba helo Aqoonsiga Qaranka, ayaa sheegay in mustaqbalka dhow ay imaan doonto maalin aan qofku wax iibsan karin, bangi furan karin, safri karin ama si caadi ah u noolaan karin isaga oo aan haysan kaarka aqoonsiga rasmiga ah ee dowladda.
Wuxuu sheegay isaga oo maanta ka hadlayey teendhada Afisyoone oo uu ka socdo shir loogu gogol xaarayo in dalka oo dhan lagu baahiyo kaarka aqoonsiga, ayuu iftiimiyey ahmiyadda iyo waajibaadka culus ee lagu wado in lagu hirgeliyo barnaamijkan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda aysan wax dhibaato ah u arkin in kooxda Alshabaab ay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
Wuxuu xusay in xubno badan oo kooxda ka tirsan ay horey u soo direen dad ay dhaheen ha sameystaan kaarka aqoonsiga, xitaa kuwo ka tirsan kooxda oo is qarinaya ay qaateen kaarka aqoonsiga, isagoo ku tilmaamay “muwaadin baadiyoobay” oo xaq u leh aqoonsiga.
Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in dhammaan xubnaha ka tirsan Alshabaab iyo qoysaskooda loo oggolaado in ay kaadhka qaataan, maadaama ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo leh xuquuqda dhalashada.
Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in xubno Alshabaab ah oo ku nool magaalada Muqdisho ay hore u qaaten kaarka aqoonsiga, isaga oo ku dhiirrigeliyay inta kalena in loo furo fursaddaas.
“Shabaab oo dhan maraduu doono & xijaabku doono & koofidu doono ha soo qaato, kaarka [aqoonsiga] ha qaato, ha is diiwaan geliyo, farahiisa, wejigiisa & wixiisa halla diiwaan galiyo oo halla arko, meeshaas ha yaallo, muwaadin Soomaali ah oo la yaqaan oo Calasow, Jaamac & Qowdhan oo sidaa ah oo argagixiso noqday waaye, wali muwaadinnimadiisii Soomaalinnimo kama bixin si looga qabto ayaala yaqaanaa…taasna mushkilad uma aragno ” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin u diray dadka bixiya ama qaata kaar aqoonsi oo ku saleysan habka laaluushka ah, isagoo tilmaamay in ay tahay xadgudub ayna dowladdu tallaabo ka qaadi doonto.
Wuxuu intaas ku daray in mustaqbalka dhow lagama maarmaan noqon doonto in qof walba lagu xujeeyo haysashada kaarka aqoonsiga si uu u qaato adeegyada aas-aasiga ah sida wax iibsi, bangi furasho ama safar.
Hbn Online Tv

