Xasan oo sheegay u jeedka safarka Xamsa ee Laasacaanood

Madaxweynaha dawladda federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey madasha Antalya Forum ee dalka Turkiga ayaa sheegay in ujeedka safarka Raisalasaaraha Xamse Cabdi Barre uu ku tagay magaalada Laascaanood uu qeyb ka yahay arimo xalin khilaafka deegaanka ka taagan.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay in ujeedka safarka raysal wasaaruhu yahay sidii loo xalin lahaa colaadaha ka dhacay deegaanadaasi iyo in la abuuro jawi wax tar u leh.

“Raisalasaaruhu wuxuu halkaas u joogaa inuu xal raadiyo. Khilaafka weli lama xallin, wuu huursan yahay, labada dhinacna maxaabiis ayay kala haystaan. Sidaas darteed, ujeedadiisu waa in la abuuro jawi wadahadal dhab ah, maadaama ay jiraan caqabado hor taagan in si toos ah la isula fariisto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa Carrababay madxxweyne Xasan in ilaa hada aanay jirin wax xal ah oo laga gaadhay dhibkii dhacay, taasine ku qasabtay dowladda in iyadu zal u raadiso.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in ay jiraan caqabado hor taagan xal nabadeed oo deeganadaas ka dhaca taasina ay ka mid tahay arimaha uu xalintooda Raisalasaaruhu u tagay halkaasi.

Waxaa xusid mudan in uu durba uu bilaabay wadahalado iyo kulamo caawa Raisalasaaruhu Soomaaliya Xamsa, waxaana uu kulan gaar ah la yeeshay Waxgaradka SSC-Khaatumo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed