Xariga Wariye Cali Nuur oo dhaleeceyn kulul ay Dowladda Soomaaliya kala kulantay

Wariye Cali Nuur Salaad oo ah agaasimaha Telefishin maxalli ah oo lagu magacaabo Dawan ayaa xabsiga la dhigay, ka dib markii booliska Soomaaliya uu ku eedeyey been-abuur, aflagaado iyo wax ay ku tilmaameen “anshax-darro” sida ay hadalka u dhigeen

Sawir iyo Qoraal kooban oo lagu baahiyay barta Facebook ee Taliska qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa lagu yiri: “Ciidanka Boliska gobalka Banaadir ayaa soo xiray eedeysane Cali-Nuur Salaad Xasan oo ku eedeysan falal iskugu jira Anshax-daro, been-abuur iyo aflagaado Ciidammada Qaranka”.

Xariga wariye Cali Nuur ayaa waxaa dhaliilay qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo Bahda warbaahinta, waxaana ka mid ah masuuliyiinta dhaliilay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, iyaga oo sheegay in xarigga Cali Nuur uu yahay ‘isku day lagu aamusinayo runta laguna cabburinayo Saxaafadda madaxa bannaan’.

Dhanka kale, bahda warbaahinta oo shir jara’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay xariga Wariye Cali Nuur Salaad waxaana ay sheegeen in dulmiga Saxaafadda loo geystay aanan la aqbali karin, wax laga xumaadane ay ku tilmaameen caburinta iyo beegsiga gaarka ah ee dowladdu ku heyso Saxaafadda madaxa banaan.

Saxafiyiinta maanta hadlay ayaa masuuliyiinta ugu sareysa dowladda ka codsaday in xoriyadiisii la siiyo Cali Nuur oo cadaalad helo.

Inkasta oo ilaa iyo hadda faah-faahin buuxda aysan boolisku ka bixin waxa dhabta ah ee loo haysto Cali Nuur, haddana boolisku waxay sheegeen inuu ku eedeysanyahay “been-abuur, aflgaado ciidan iyo waxyaabo anshax-darro ah”.

Cali Nuur Salaad agaasimaha Tv-ga Dawan ayaa sawir laga qaaday waxaa si adag u hor yimid dadka ay saaxiibada ahaayeen iyo bulshada qaybahooda kala duwan, iyada oo ku tilmaamay in ay sumcad xumo iyo sharaf dhac ku tahay waxa lagu sameeyey wariyahan

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed