Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta soo saaray wareegto uu xilalkii kaga qaaday Wasiiro ka mid ahaa xukuumaddiisa, isaga oo magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya golihiisa wasiirrada.
Wareegtada ayaa lagu magacaabay Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo loo dhiibay xilka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, isagoo beddelay Xildhibaan Maxamuud Axmed Geesood oo xilkaasi hayay.
Sidoo kale, Senator Ayuub Yuusuf Ismaaciil ayaa loo magacaabay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeenta, wuxuuna beddelay Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo xilka hayay.
Digreetada lagu dhawaaqay ayaa lagu amray inay si degdeg ah xilalka ula wareegaan, isla markaana ay dardargeliyaan hawlaha wasaaradahooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday isla xisaabtan xooggan oo ku aaddan golaha wasiirrada, isagoo kormeer ku tegay xarumo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo xarumo wasaaradeed oo ku yaalla caasimadda, halkaas oo uu wax ka qabtay cabashooyin shaqo iyo arrimo la xiriira hufnaanta shaqada, si loo dardargeliyo howlaha xukuumadda oo ku dhow saddex sano jirkeeda.
Hbn Online Tv

