Xamsa oo soo farageliyay cabasho ka taagnayd xarunta xarunta hay’adda aqoonsiga qaranka NIRA ee Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta soo farageliyay xaalad cabasho iyo caro bulshada oo ka taagnayd xarunta Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA), kaddib markii dad badan ay ku adkaatay helitaanka Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Xamsa ayaa bulshada Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u fahmeen muhiimadda iyo waxtarka kaarka aqoonsiga, isaga oo faray Hay’adda bixisa adeega ee NIRA in ay si buuxda u fududeeyaan shacabka helidda kaarka, lana qaabeeyo nidaam hufan oo aan lagu daalin. Wuxuu adkeeyey in waxyaabaha qaar aan loo dulqaadan karin, loona baahan waxne laga bedelo habka kaarka loo qaato.

“Shacabka Soomaaliyeed waa ku mahadsan yihiin sida ay u fahmeen waxtarka Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Hay’adda NIRA waxaan farayaa in ay u fududeeyaan shacabka helidda kaarka aqoonsiga,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale sharaxay muhiimadda uu leeyahay kaarka aqoonsiga, isagoo tilmaamay in mustaqbalka dhow uu noqon doono mid lagama maarmaan u ah adeegyada nolosha.

“Qof aan aqoonsi wadan, nolosha dhan ayaa ka xirmi doonta — haday noqoto waxbarashada, ganacsiga, safarka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah,” ayuu raaciyay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda federaalku ay ka go’an tahay in la hirgeliyo nidaam casri ah oo aqoonsi qaran, si loo sugo amniga, qorsheynta adeegyada bulshada, iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Waxaa la filayaa in Hay’adda NIRA ay dhawaan soo saarto habraacyo cusub ee bixinta kaarka aqoonsiga iyo xal u helidda cabashooyinka shacabka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed