Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre oo sheegay inuu tagi doono deegaannada maamulka SSC-Khaatumo ayaa tilmaamay in socdaalkiisu uusan wax u dhibi doonin maamul Soomaaliyeed, balse uu ahaan doono mid faa’iido badan.
Isaga oo khudbad ka jeedinayey goob xubno badan oo golihiisa ka mid ah isugu yimaadeen maanta Xamsa ayaa sheegay in isaga iyo wafdi uu horkacayo ay booqasho ku tagi doonaan Magaalada Laascaanood, halkaasi oo uu wadahadalo dhinacyo badan ah kula soo qaadan doono madaxda SSC-Khaatumo.
“Booqashada aan ku tagi doono Laasacaanood waa mid lagu xoojinayo xiriirka wadashaqeyneed ee SSC-Khaatumo & Xukuumadda Federaalka Soomaliya. Ma ahan mid wax loogu dhibayo maamul Soomaaliyeed meeshuu rabo ha ahaadee” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xamsa.
Ma uusan sheegin Xamsa xiliga socdaalkiisa uu ku tagi doono magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool, halkaasi oo dhowr sano ka taliyo maamulka curdinta ee Khaatumo.
Horay warbaahinta gudaha ee SSC-Khaatumo oo aragtidooda waydiisay Shacabka sida u arkaan socdaalka Ra’iisal Wasaare Xamsa ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan, waxaana ay u soo jeediyeen uu eego baahiyaha ka jira deegaanka iyo gobolka.
Tan iyo sidii SSC-Khaatumo loogu aqoonsaday maamul ku meel gaar ah waa masuulkii ugu sareeyey Soomaaliya ee booqda deegaannadaasi.
HBN ONLINE TV