Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Hamsa Cabdi Barre oo ka hadlay markii ugu horeysay sababta Dowladda Federaalka u geysay Raas-Kambooni ciidamada laga qaaday Muqdisho ayaa sheegay in uu la xariiray dalab kaga yimid masuulyiinta deegaanka.
Si degeaanku u helo Ciidamo, codsi hore oo maamulka deegaanka u direen Jubbaland ayuu sheegay Xamsa inay ugu jawaabeen sida uu hadalka u dhigay in ciidamo aan loo heli karin, sidaasi darteedne Dowladda Federaalka ay aqbashay dalabka maamulka ee ah ciidamo deegaankaan la geeyo.
Xamsa ayaa sheagay in ka dib markii ciidamada dowladdu hallkaasi ay geysay looga fasiray magaalada Kismaayo sida uu hadalka u dhigay ciidamo duulaan ah oo la doonayo in lagu qabsado dalka.
Waxaa uu si dadban u tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha XFS in ciidamada ka soo baxay safka Jubbaland ay garteen sida uu warka u dhigay wax aanay garan kuwa soo diray oo ah in laga horgeeyo ciidamada kale ee Qaranka.
“Waxaa bogaadinayaa Ciidamada Geesiyaasha ah ee Jubbaland oo gartay in aan laga horgeyn Walaalahooda Ciidanka xoogga dalka ee ay isku Cadowga yihiin, dowladda ayaana ku abaal Marin doonta” ayuu yiri RW Xamsa.
Sida oo kale waxaa uu sheegay in ay jiraan dad doonaya colaad nasiib darro ah oo aan loo baahneyn, uuna aad u cambaareynayo, iyada oo dowladda Soomaaliya diyaar u tahay wada-hadal iyo nabad.
Waxaa uu cadeeyey in ciidamada Xoogga dalka uu waajib ka saaran yahay sugidda amniga dhaaman xuduudaha dalka, halka uu dalbaday in shacabka iyo ciidamada la isku dirin oo dano gaar ah laga raadin.
“Waa nasiib darro in wiil Soomaaliyeed oo la tababaray oo la qalabeeyey oo ku faanaya dalkiisa iyo dadkiisa difaacayo in dad Masuuliyiin sheeganaya ay dadka ugu baaqaan in lala dagaalamo in uu cadow yahay, in uu soo galooti yahay, in uusan dalka laheyn, taasi waa nasiib darro” ayuu sii raaciyey RW Xamsa.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Madoobe ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya geysay deegaanka Raas-Kambooni ay sababi karaan sida uu hadalka u dhigay dagaalka dhiigga wiilal Soomaaliyeed oo la iska horkeeno.
HBN ONLINE TV