Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay dhacdadii askar ka tirsan ciidamada Xoogga dalka lagu laayey ee ka dhacday Shabeellaha Dhexe ayaa ku tilmaamay falkaasi inuu ahaa mid ay ku kaceen dad sida uu hadalka u dhigay dad-qalato ahaa.
Waxaa uu wax laga xukumaado iyo fal bahalnimo ah ku tilmaamay dilkii loo geystay askartii u dhaaratay inay difaacaan dadkii ay u dhaarteen, balse nasiib xukumo ay iyagii si xun ula dhaqmeen.
Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa ku goodiyey in dadkaasi si degdeg ah loo horgeyn doono sharciga dhacdada Ciidamada lagu laalayey, kaasi oo ku dhiirashadiisa uu ahaa sida uu hadalka u dhigay mid musiibo ah.
“Waa dad-qalato kuwa laayey wiilashii Qaranka difaacayay ,waana fool xumo aan weli hore noo soo marin si deg deg ah ayaana sharciga loo horgeynayaa” ayuu yiri RW Xamsa.
Sida oo kale waxaa uu hoosta ka xariiqay in qaranku uu dhibane u yahay dhacdadii Ciidamada qaranka iyo in dadkaasi markii la soo qabto aan loo eegi doonin cid gaar ah, isaga oo ku tilmaamay mid “mid axmaqnimo ah”.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu faray inay kaalin ka qaaataan baadi goobka ay ugu jiraan hay’adaha amaanka raadinta dadkii dilka geystay oo xabsad ka ah gacanta qaranka.
Dilkii loogu geystay 6 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada xoogga deegaanka Ceel-Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa u xiran dad masuuliyiin ah oo sida la sheegay la tuhunsanayaal ah, iyada oo carada ka dhalatay dhacdaasi ay sababtay in go’aamo degdeg ah la qaado.
HBN ONLINE TV