Xamsa oo nasiib darro ku tilmaamay dadka ka soo horjeeda in shacabka codkooda ay wax ku soo doortaan

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayey doorashada dowladda ku tala jirto ee qof iyo cod inay dalka ka qabato ayaa ku booriyey shacabka Muqdisho in gacantooda ay ku soo doortaan cid walba doorashada soo socota.

Waxaa uu sheegay inuu rajaynayo duqa hadda gobolka Banaadir in uu noqon doono masuulkii ugu dambeeyey ee loo soo magcaabo shacabka, si loo ilaaliyo xaquuqdooda.

Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in Shacabka magaalada Muqdisho ay baahi u qabaan inay soo doortaan madaxdooda, taasi oo ah lama taabtaan.

“Waa nasiib darro inaad maqasho wax ka soo horjeeda danta dadka, xaquuqda dadka sideedaba waa lama taabtaan” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xamsa.

Sidoo kale, waxaa uu tilmaamay inuu ku rajo weyn yahay guddoomiyaha gobolka Gobolka Banaadir ee hadda inuu noqdo sida uu qabo “kii ugu dambeeyyey ee la soo magcaabay”.

Dowladda Soomaaliya ayaa olole xooggan ugu jirta sidii ay dalka uga qaban laheyd doorashada qof iyo cod, taasi oo deegaannada laga qaban doono ay noqon doonaan kuwa ay maamusho, inkasta oo ay wajaheyso cadaadis kaga imaanaya xubnaha mucaaradka ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed