Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo booqasho ku jooga magaalada Laascaanood ayaa maanta halkaasi ka dhagax dhigay mashaariicyo kala duwan oo ka mid ah kaabashaayaasha deegaanka, ahaanne kuwii ugu badnaa.
Xamse oo sheegay inuu maamulka uu u wado adeegyo cusub ayaa dhagax dhigay Madaxtooyada SSC-Khaatumo, Xarunta gurmadka degdeg ah ee Sodma, Xarunta Hay’adda Socdaaalka, Xarunta Booliska, dhagax-dhigga wadooyinka isku xira Laasacaanood iyo Buuhoodle, Isbitaalka guud Khaatumo & kuwa Waxbarashada.
Huggaamiyaha Khaatumo Cadbulqadir Firdhiye oo la hadlay warbaahinta markii la soo dhameeyey dhagax dhigigga ayaa sheegay in Xamsa uu maanta ka dhagax dhigay xarumihii ugu badnaa abid ee maamulkiisu uu ka helay dowladda Soomaaliya. Shacabka deegaannada ayuu faraya inay kaalin ka qaataan sidii ay kaga qayb qaadan lahaayeen.
Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka dib markii uu dhagax dhigay mashaariicda kala duwan khubad jeediyey ayaa sheegay in howlahaan ay furitaan u yihiin in Hay’addaha kale ee dowladda oo si toos uga howlgalaan SSC-Khaatumo.
Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa sacaadihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay Odoyaasha Dhaqanka ee deegaannada SSC Khaatumo, isaga oo kala hadlay ilaalinta xasilloonida magaalada
Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu tilmaamay midkii midnimada iyo horrumarinta dalka.
HBN ONLINE TV