Xamsa oo ku dhawaaqay in SSC–Khaatumo tahay Maamul ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

khudbad ka jeediyey munaasabad ballaaran oo lagu qabtay magaalada Laascaanood Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kaga dhawaaqay in SSC Khaatumo tahay maamul ka mid ah kuwa Dowladda Federaalka.

Munaasabadda oo loogu magac-daray “Habeenka Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Bulshada SSC–Khaatumo” ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax heerar kala duwan ah, isimmo dhaqameed iyo boqolaal ka mid ah shacabka deegaanka, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu si cad ugu dhawaaqay in maamulka SSC–Khaatumo tahay maamul rasmi ah.

“Waxaan cod dheer ku sheegayaa in SSC–Khaatumo tahay maamul ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, mana ahan meel lagu muransan yahay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa isagoo muujiyay taageerada buuxda ee dowladdu u hayso maamulkaasi.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay in maamulka SSC–Khaatumo uu ku yimid rabitaanka shacabka deegaanka, isagoo xusay in dowladda Federaalka ay tixgelin doonto xuquuqda iyo matalaadda dadka deegaanka si la mid ah sida ay u tixgeliso maamul-goboleedyada kale ee dalka.

“Waxaa farxad ii ah inaan maanta idinla joogo, anigoo arkaya sida aad uga go’an tahay ilaalinta midnimada dalka iyo calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in maamulka SSC–Khaatumo laga saaro marxaladda ku-meel-gaarnimada, loona dhiso hannaan rasmi ah oo dastuuri ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale xusay in maanta ay tahay fursad taariikhi ah oo calanka buluugga ah uu ka babanayo qaybo badan oo ka tirsan gobollada waqooyi, taasoo ah mid muujinaysa midnimo qaran iyo wadajir.

Intii ay socotay munaasabadda, wuxuu dhageystay hadallo iyo talooyin ay jeediyeen isimada dhaqanka, madaxda deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, kuwaas oo dhammaantood si mideysan u muujiyay muhiimadda ay leedahay midnimada, xasilloonida iyo wadajirka Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed