Xamsa oo hay’adaha dowladda faray in talaabo adag laga qaado dadka deegaanka wasaqeeya 

Dhibaatooyinka adag ayaa la soo sheegayaa inay jirto goobaha xeebaha ah ee Muqdisho oo inta badan qashinka lagu shubo sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

Waxaa uu banaanka soo dhigay in dhibaato weyn ay ku heyso Deegaanka wasaqda iyo haraadiga goobo ay ka mid yihiin Hoteellada, Isbitaallada iyo kuwa kale, kuwaa oo muuqaalo lala wadaagay ay muujinayaan Xamsa dhibaato adag oo deegaanka soo wajaheysa.

Ra’iisal Wasare Xamsa ayaa soo jeediyay in wax laga qabto oo lala xisaabtamo cid weliba oo ku lug leh.

“Deegaanka waa howsha ugu badan ee wax ka qabashada u baahan, marar kala duwan waxa ay Wasiir Khadiija ila wadaagtay muuqaallo laga soo duubay meelo ay ka mid yihiin xeebaha oo dhibaatadeeda leh, Magaaladeenna & Nadaafadda halka ay kala joogaan waad arki kartaan” ayuu yiri RW Xamsa.

Ra’iisal Wasaare Xamsa ayaa hadalka ka sheegay maanta xilli uu xilalka ula kala wreejinayey wsiiradda Wasaaradaha Deegaanka & Qoyska.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed