Xamsa oo caawa kulan gaar ah la yeeshay Garaadada SSC-Khaatumo

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa magaalada Laascaanood kulan aan caadi aheyn kula yeeshay Garaadada deegaannada SSC-Khaatumo.

Kulanka ayaa la sheegay in diirrada lagu saaray sidii loo xoojinta lahaa midnimada iyo geeddi-socodka nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonid dalka, isaga oo ka dhagaystay tallooyin ku aaddan dib-u dhiska dalka, iyo sidii deegaannada SSC-Khaatumo looga hirgalin lahaa hey’addaha dowladda oo bulshada soo gaarsiiya adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.

Xafiiska Ra’iisal Waaaaraha ayaa tilmaamay in Xamsa uu uga mahadceliyey Garaadada doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan nabadaynta iyo midnimada, waxaa uuna adkeeyey sida ay Xukuumaddiisu mudnaan gaar ah u siineyso xoojinta hey’adaha dowladda iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed