Ururka Xamaas ayaa maanta uga digtay Israa’iil cawaaqibta ka dhalan karta sii socoshada kororka xadgudubyada ay geysanayso iyo hirgelinta qorsheyaasha ka dhanka ah masaajidka Al-Aqsa & guud ahaan magaalada Qudus ee la haysto iyo dadkeeda.
Arrintan ayaa lagu sheegay bayaan ay Xamaas ku faafisay boggeeda Telegram, munaasabadda habeenka Isra Wal micraaj ee la dheelmiyay Nebigenii Suubanaa Nabadgalyo & Naxariis dushiisa ha ahaatee, iyadoo bilowga bayaanka lagu xusay in howlgalka “Duufaanta Al-Aqsa” uu muujiyay midnimada dadka Falastiin ee difaacaya magaalada Qudus iyo masaajidka Al-Aqsa.
Oktoobar 7, 2023, Xamaas ayaa weerar ku qaaday 22 deegaan iyo 11 saldhig ciidan oo ku teedsan Marinka Gaza, iyagoo dilay in ka badan kun qof oo Israa’iliyiin ah isla markaana qafaashay ku dhawaa 260 kale, taasi oo Xamaas ku sheegtay in ay jawaab u ahayd “dembiyada maalinlaha ah ee Israa’iil u geysanayso dadka Falastiin iyo goobaha barakaysan gaar ahaana masaajidka Al-Aqsa.”
Xamaas ayaa tiri: “Sanadguurada Isra iyo Micraaj waxay sanadkan ku soo beegantay xilli aan ku nool nahay jawi ay ka buuxaan guulo waaweyn oo ay soo hooyeen dadka geesiyada ah ee adkeysiga leh iyo dagaalka aan kaga soo horjeednay ee duullaanka Duufaanta Al-Aqsa, oo socday in ka badan 15 bilood.”
Dunida Muslimka ayaa laga xusaya habeenka Isra iyo Micraaj, oo ku saabsan markii Nabi Maxamed (NNKH) laga qaaday Maka lana geeyey Qudus ka dibna loo qaaday samooyinka sare, sida ku xusan Qur’aanka Kariimka ah.
Bayaanka Xamaas ayaa intaas ku daray in dagaalka uu ku soo dhamaaday “joojinta weerarka Israa’iil, xoreynta maxaabiistii ku jirtay xabsiyada Israa’iil iyo ku soo celinta dadka barakacayaasha ah ee guryahooda.”
Xamaas waxay sheegtay Israa’iil aysan ku guuleysan doonin inay tirto astaamaha magaalada Qudus iyo masaajidka Al-Aqsa, ama inay baabi’iso aqoonsigooda Carbeed iyo kan Islaam.
Xamaas ayaa u digtay israa’iil iyada oo bayaanka ku tiri “dowladda cadowga ah, cawaaqib ayaa ka dhalan doona sii socoshada dambiyada ay geysanayso iyo hirgelinta qorsheyaasha ka dhanka ah sharafta masaajidka Al-Aqsa.”
Dadka Falastiin waxay ku adkeysanayaan in Qudusta bari ay tahay caasimadda dowladdooda mustaqbalka, iyadoo la raacayo qaraarada sharciyadda caalamiga ah ee meesha ka saaraya qabsashada Israa’iil ay qabsatay Bariga Qudus sanadkii 1967 iyo ku darsashadii 1981 ay ku darsatay dhulalkii horey ay u haysatay.
HBN Online TV

