Madaxwayne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Gedo ayaa shirar hor dhac u ah Nabadaynta Beelihii dirirtu dhexmartay waxa ay laqaateen odayaaha dhaqanka Degmada Luuq ee gobolka, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo dhanka deeganka ah .
Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland Maxamud Sayid Aadan masuuliyiinta la socota oo ay qayb ka yihiin wasiiru Dowlaha Wasarada Deegaanka Iyo Isbedalka Cimilada Ahmed Cumar Maxamed, wasiir ku xigeenka wasarada shaqada iyo shaqaalaha Cismaan Libaax xildhibaanno ka kala tirsan golaha Shacabka iyo golaha Wakiilada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kulan looga hadlayay sidii nabad waarta loo kala dhex dhigi lahaa beelo walaala ah oo dirir dhexmartay waxa ay layeesheen odayaasha iyo waxgaradka qaybihiisa kala duwan ee ku nool Degmada Luuq.
Shirkan oo hordhac u ah sidii loogu soo celin lahaa nabad kuwada noolaanshiyaha bulshada ku nool degmada Luuq ayaa waxa la isla afgartay in laga wada shaqeeyo Nabada, islamarkaana laga sii anba qaado sidii loo heshiisiin lahaa beelaha walaalaha ee dirirty dhex martay.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa ka bilowday arrimo la xiriira lahaanshaha dhul, waxaana ku dhintay 20 ruux oo dhinacyada dagalaamay iyo dad rayid ahaa, iyada oo uu sababay barakac baahsan iyo hakad ku yimid isku dadka deegaanka.
HBN ONLINE TV