Hanti dhowrka guud ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay natiijooyin naxdin leh oo ku saabsan howlaha shaqo ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Cumaan, sida lagu faah faahiyay warbixintii hanti dhowrka ee loo gudbiyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka. Warbixintu waxa ay sawir xun ka bixinaysaa wax isdaba marin, musuq maasuq iyo ku takri fal awoodeed, iyadoo mas’uuliyiinta safaaradda ay ku lug lahaayeen falal sharci darro ah oo socday muddo dhowr sano ah.
Sida lagu sheegay baaritaanka uu sameeyay Hanti dhowrka guud ee Qaranka mudadii u dhaxeysay Janaayo 2019 ilaa December 2023 waxaa safaaradda Soomaaliya ee Cumaan ka dhacay 9 fal dambiyeed oo isugu jira musuq maasuq, ku takri fal awoodeed, xatooyo, lacag dhaqis iyo dukumiintiyo been abuur ah. Natiijadu waxay hoosta ka xariiqday heerka uu gaarsiisan yahay gafafka ka jira safaaradda, waxaana walaac xooggan laga muujinayaa hufnaanta howlaheeda.
Si gaar ah, warbixinta hanti-dhowrka ayaa shaaca ka qaaday arrimo la xiriira musuq maasuq iyo ku takri fal awoodeed oo ay ku lug leeyihiin safiirka Soomaaliya ee dalka Cumaan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan safaaradda. Lacagaha lagu soo oogay waxaa ka mid ah iibsashada hantida dowladda ee aan la ogolayn iyo ku takri-falka dukumentiyada rasmiga ah ee dano gaar ahaaneed.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Hanti dhowrka guud ee Qaranka uu soo bandhigo musuq maasuq lagu sameeyay safaaradaha iyo xarumaha dowladda Federaalka Soomaaliya. Sanadihii la soo dhaafay, baaritaannada noocan oo kale ah ayaa lagu ogaaday dhacdooyin la xiriira maamul xumo maaliyadeed iyo wax isdaba marin, taas oo hoosta ka xariiqday baahida loo qabo kormeer xooggan iyo habab isla xisaabtan si loo ilaaliyo hantida dadweynaha.
Iyadoo Soomaaliya ay dadaal ugu jirto dib u dhiska iyo hagaajinta hay’adaha dowladda, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo xaqiijinta dowlad wanaaga ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsan dowladda.
Iyadoo laga jawaabayo natiijadii ka soo baxday Hanti dhowrka ayaa waxaa laga sugayaa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka inuu baaritaan dhab ah ku sameeyo eedeymaha musuq maasuqa iyo wax is daba marinta ah ee ka jira Safaarada Soomaaliya ee dalka Cumaan.
HBN NEWS DESK