Xabad joojintii dagaalka Israa’iil & Xisbullah oo waqti dheeraad ah lagu daray

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay jadwalka heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Xisbullah iyo Israa’iil, lana gaarsiiyo ilaa 18-ka February ka dib wadahadallo uu Maraykanku dhexdhexaadinayo oo ku saabsan soo celinta maxaabiista Lubnaaniyiinta ah ee la qabtay ka dib Oktoobar 7, 2023.

Bayaan kasoo baxay Maraykanka ayaan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waqtiga ay Israa’iil uga bixi doonto tuulooyinka koonfurta Lubnaan ee ku teedsan xadka Israa’iil.
Shalay oo Axad, waxay ku ekeyd muddadii 60-ka maalmood ahayd ee loogu talagalay in ciidanka Israa’iil uga baxaan meelaha ay kaga jiraan koonfurta Lubnaan, iyadoo la raacayo heshiiska xabbad-joojinta oo dhaqan galay 27-kii Noofambar, 2024.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Israa’iil waxay sii wadaan joogitaankooda tuulooyinka Lubnaan, iyagoo ka hor istaagaya dadka barakacayaasha ah inay dib ugu laabtaan guryahooda, taasoo ah ku xadgudub cad oo heshiiska ah. Intaa waxaa dheer, 22 qof oo Lubnaaniyiin ah – oo midkood askari ahaa – ayaa Axaddii lagu dilay, halka 124 qof lagu dhaawacay xabbado ay fureen ciidamada Israa’iil.

Dhanka kale, xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Lubnaan ayaa saaka waaberigii ku dhawaaqday inay ogolaatay in la kordhiyo hirgelinta heshiiska xabbad-joojinta ilaa Feebarwari 18 kadib dhexdhexaadin ka timid Maraykanka, taas oo ka dhalatay markii Israa’iil ay diiday inay ka baxdo koonfurta Lubnaan waqtigii loo qabtay.

Ra’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta ah ee Lubnaan, Najib Mikati, ayaa bayaan ku sheegay inuu la tashaday Madaxweynaha Lubnaan Joseph Cawn iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Nabih Berri taasi oo ku aadan arrimahan soo kordhay isla makraaa ay aqbaleen qorshaha Mareykanka.

Inkastoo warkan Mareykanka & madaxda Lubnaan uu ka soo baxay haddana ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xisbullah oo horey wacad ku martay in aysan aqbali doonin wixii ka dambeeya dhamaadka mudada xabad joojinta oo shalay ku ekayd inaysan aqbalayn in ciidamada Israa’iil ku sii sugnaadaan Koonfurta Lubnaan.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed