Xabad joojin aan caga ku taagnayn oo ka dhaqan gashay Gaza

Xabad joojin aan caga ku taagnayn oo ka dhaqan gashay Gaza

Gaza- 08.August.2022

Israel iyo dhaqdhaqaaqa hubaysan ee reer Falastiin ee Islamic Jihad ayaa gaaray xabad joojin aan caga adag ku taagnayn oo ka dhaqan gashay Suriyada Gaza, ka dib saddex maalmood oo weeraro culus oo labada dhinac iswaydaarsadeen ay ku dhinteen 44 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ka mid yihiin 15 caruur ah.

Xabad joojinta ayaa dhaqan gashay xalay 11:30 fiidnimo waqtiga Gaza walow Israel duqeyn waday halka Falastiiniyiintuna ay kaga jawaabayeen gantaalo.

Labada dhinac inkastoo ay aqbaleen xabad joojinta oo Masar garwadeen ka tahay, haddana dhinacyadu midba mid kale wuxuu u jeediyey digniin ku aadan inay ka bixin doonaan jawaab adag haddii uu soo hujuumo.

Masuuliyiinta deegaanka Gaza ayaa ku dhawaaqay inay albaabada u furi doonaan goobaha adeegga dadweynaha, halka jaamacaduaha iyo goobaha waxbarashadu sheegeen inay ardayda u furi doonaan waxbarashada.

Dhanka kale dawlada hoose ee magaalada Gaza ayaa sheegysa inay bilaabi doonaan sidii ay uga nadiifin lahaayeen burburka dhismayaasha waddooyinka iyo goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan, isla markaana ay qiimayn doonaan khasaaraha dhacay.

Laamaha caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 350 qof oo Falastiniin rayid ah ay ku dhaawacmeen weerrarada Israel.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed