Xaaladda magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa maanta degan, kaddib maalmo rabshado culus oo khasaaro nafeed sababay ay halkaas ka dhacayeen. Rabshadahaas ayaa sababay dhimashada qaar ka mid ah shacabka iyo dhaawaca tiro kale.
Arinta waxaa ka hadlay dhinacyo kala duwan, balse Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka soo saaray fadhigooda baaq nabadeed oo ku wajahan dadka ku nool gobolka Awdal. Fadhiga oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa Mudanayaasha hortooda lagu akhriyay baaq si weyn ugu adkaynaya muhiimadda nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
Guddoomiyaha ayaa shacabka Awdal ugu baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo waddo nabadeed iyo xeer-hoosaadka Soomaaliyeed, isagoo tacsi u diray ehelada dadkii ku naf-waayay rabshadaha iyo kuwa dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad degdeg ah.
“Midnimada iyo xasilloonida waa in la ilaaliyo, khilaafaadkana waa in lagu dhameeyaa wadahadal iyo hab Soomaaliyeed,” ayuu yiri Guddoomiye Abshirow.
Golaha Shacabka ayaa sheegay inay garab taagan yihiin shacabka ku nool gobolka Awdal, ayna diyaar u yihiin inay kaalin muuqata ka qaataan dadaallada lagu soo celinayo nabadda waarta ee deegaanka.
Hbn Online Tv

