Waxaa markale dagaal culus ka qarxay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, xilli ay shacabka deegaanka wajahayaan xaalad bani’aadamnimo oo aad u daran. Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo kuwa maamulka Jubbaland, waxaana la soo sheegaya in rasaas xoogan la isweydaarsanayo, taasoo laga maqlayo xitaa meelaha ka baxsan magaalada, gaar ahaan dhinaca xiga degmada Mandhera.
Wararka ayaa tilmaamaya in dadka rayidka ah ay ku jiraan guryahooda iyaga oo ka baqdin qaba waxyeelo kasoo gaarta iska horimaadka, iyadoo guud ahaan jidadka magaalada ay yihiin kuwo maran. Dadka intooda badan ayaa barakacay ama aan awoodin inay dhaqaaqaan sababo la xiriira rasaasta socota.
Inkasta oo magaalada waagu si nabad ah ugu baryey, kaddib dagaallo hore oo khasaaro geystay oo toddobaadkii la soo dhaafay dhacay, hadana waxaa muuqata in xaaladda ay mar kale faraha ka baxayso. Isgaarsiinta magaalada ayaa wali go’an, taasoo adkeynaysa in si hufan loo helo xogaha dhabta ah ee ka socda gudaha magaalada.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta, balse codsaday in aan la magacaabin ayaa sheegay in shacabka ay wajahayaan dhibaatooyin badan oo ka baxsan rasaasta iyo colaadda. Wuxuu xusay in adeegyada aasaasiga ah, sida shirkadaha isgaarsiinta inay gebi ahaanba xiran yihiin.
“Dad badan ayaa haysta lacag, mobile-koodana lacag ayuu ugu jiraa, laakiin waxba ma iibsan karaan – daawo ma heli karaan, raashinna ma gadan karaan,” ayuu yiri qofka deegaanka ah.
Xaaladdan cakiran ayaa sii muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo xal siyaasadeed oo dhab ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah ee ku dhintay ama ku barakacay colaadda. Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac ee ku loolamaya magaalada oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkan cusub.
HBN ONLINE TV