Woqooyi-Bari Soomaaliya oo soo rogtay xayiraad socdaal oo ku wajahan dadka ka yar 30 Sano inay ka baxaan deegaannadooda

Maamulka Woqooyi-Bari Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay xayiraad cusub oo ku saabsan safarrada dadka da’doodu ka yar tahay 30 sano, kuwaas oo aanan la socon waalidkood ama masuul sharci ah in aanay bixi karin deegaannadooda.

Go’aankan oo kasoo baxay Wasaaradda howlaha guud, Gaadiidka iyo dib-u-dhiska ayaa lagu sheegay inuu qayb ka yahay dadaallada lagu xakameynayo tahriibka oo bilihii u dambeeyay si aad ah u kordhay, islamarkaana loo adeegsado farsamooyin casri ah oo ay wadaan kooxo ay ku sheegtay magafeeyasha.

Wasaaraddu waxay ku eedeysay qaar ka mid ah shirkadaha bixiya tigidhada diyaaradaha, gaar ahaan kuwa ka hawlgala Laascaanood, inay si dadban uga qeyb qaateen fududeynta tahriibta, iyadoo aan la hubin xogta dhallinyarada safarka dalbanaysa.

Sida ku cad wareegtada lama ogola in qof ka yar 30 sanno loo diro safar uu isagu kaligiis ku baxay, shirkadaha duulimaadyada waxaa lagu amray inay diyaariyaan hab-raac adag oo lagu xaqiijinayo qofka safarka dalbanaya, waxaana si gaar ah loogu faray inay qaarkoodaaan qof kasta oo aan la socon waalid ama masuul sharci ah.

Maamulka Woqooyi-Bari ayaa uga digay shirkadaha jebiya amarkan cusub in tallaabo sharci ah laga qaadi doono, isla markaana laga fiirsan doono xiriirkooda shatiyada ganacsi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed