Wiil uu dhalay hoggaamiye ka tirsa Al Shabaab oo lagu xiray Costa Rica

Mas’uuliyiinta dalka Costa Rica ayaa sheegay in ah xireen wiil uu dhalay mid kamid ah hoggaamiyaasha Al Shabaab.

Wiilkaan ayey magaciisa ku sheegeen Lutheren Warsame Faarax, waxana laga soo qabtay hoteel uu daganaa, isagoo isticmaalaya aqoonsiyo been abuur ah iyo baasaboor Swedish ah oo qof kale leeyahay.

Willkaan ayaa loo musaafuriyay Guatemala balse dib ayaa loogu soo celiyay Costa Rica. FBI-da ayaa ka digtay bishii Febraayo 2023 suurtagalnimada joogitaanka xubin ka tirsan Al-Shabaab ee Costa Rica, Faaraxna waxa uu ku jiraa liiska FBI-da ee Xarunta Baarista Argagixisada.

Masuuliyiinta iyo Sirdoonka shaaca ayaa ka qaaday in uu soo galay Costa Rica Janaayo 4, 2023 ee sannadkaan isagoo isticmaalaya baasaboor Swedish ah oo uu qof kale lee yahay kaas oo lagu magacaabo Luqmaan Cabdicasiis.

Masuuliyiinta ayaa intaas ku daray, in Aabaha dhalay Wiilkaan oo kamid ah hooggaasha sare sare ee Al shabaab ayaa lala xiriirinayaa inuu fududeeyay weerar Argagixiso oo Al-Shabaab ay ka geysteen Sweden sanadkii 2011-kii.

Ugu dambeyn Dowladaa Costa Rica ayaa sheegta in ay Soomaaliya ay u tarxiili doonaan wiilkaan uu dhalay hoggaamiyaha aan shaacin Magaciisa ee ka mid ah Masuuliyiinta Al Shabaab.

HBN News Desk.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed