Weeraro iyo bililiqo ganacsi oo lagula kacay Soomaalida ku nool gobolka Kitui Kenya

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dhacdooyin rabshado wata oo ka dhacay magaalada Mwingi ee gobolka Kitui dalka Kenya, kuwaas oo si weyn u saameeyay ganacsiga iyo isu socodka dadka ee waddada muhiimka ah ee isku xirta Nairobi iyo Gaarissa, taasoo si gaar ah u saameysay Soomaalida ku nool dalkaasi.

Xiisaddan ayaa timid kadib markii weerarro lagu qaaday gaadiidka dadweynaha oo siday rakaab ay ku jireen dad Soomaali ah, arrintaas oo cabsi gelisay bulshada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee deggan Mwingi iyo deegaanada ku xeeran.

Waxaa gabi ahaanba xirmay ganacsiyada ay Soomaalidu leeyihiin magaalada Mwingi, kadib markii ay soo wajahday cabsi amni, weerarro iyo bililiqo lagu qaaday qaar kamid ah goobaha ganacsiga, xilli maalmihii u dambeeyay ay jireen xaalado amni darro.

Muuqaallo ay heshay warbaahinta ayaa xaqiijinaya dad jabsanaya, kadibna bililiqaystay Dukaamo la sheegay inay leeyihiin muwaadiniin Soomaali ah ku yaalla magaalada Mwingi.

Wararka ayaa sheegaya in hantida dukaamada qaarkood la burburiyay halka kuwo kalena alaabo lagala baxay, iyadoo ciidamada ammaanka ay goobta soo gaareen si ay u xakameeyaan xaaladda kacsan.

Rabshadahan ayaa ka dhashay caro shacabka deegaanka ay ka muujiyeen dilka 8 qof oo la tuhun san yahay in lagu dilay weerar la sheegay inay geysteen dad looga shakisan yahay xoolo-dhaqato geelaley ah. Dhacdadan ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo inay sii xoogaystaan xiisadaha u dhexeeya bulshada deegaanka iyo xoolo-dhaqatada ku nool aaggaasi.

Dhanka kale, shirkadaha basaska ayaa hakiyay safarradii u dhexeeyay magaalooyinka Nairobi iyo Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari, kadib weerarro lagu qaaday gaadiid rakaab ah, kuwaas oo sababay dhaawacyo iyo burbur hanti, ayna sii kordhisay cabsida weeraro jidgal ah inay dhacaan, inkasta oo dareenka xiisaddan taagan uu qasbay kala go’a isu socodka deegaannada fogfog ee Soomaalidu degto.

Dowladda Kenya ayaa deegaanka u dirtay ciidamo dheeraad ah si loo dejiyo xaaladda, hase yeeshee shacabka iyo ganacsatada ayaa weli ku jira feejignaan sare, iyadoo dukaamo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed sidoo kale lagu jabsaday laguna bililiqeystay intii ay socdeen rabshadaha ka dhashay dibadbaxyo deegaanka ka dhacay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed