Weerar toogasho oo ka dhacay gobolka waqooyi bari oo sababay dhimasho iyo dhaawac askari ku jirto

kooxa la tuhunsan yahay in yihiin dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa gobolka Waqooyi bari Kenya ka gaystay dil iyo dhaawac 10 ruux oo askar iyo shacab iskugu jira, ka dib markii ay ka talaabeen xadka Soomaaliya.

La tuhusanayaashaan ayaa dilay lix askar oo booliska Kenya, isla markaana dhaawacay afar qof oo kale, taasi oo ka dhacday xerada Xagardheer, Garissa.
Sida lagu sheegay warbixin booliska, arbushaad hubeysan oo dagaalyahannadaan ayaa ka dhacday xeryaha, ka dib markii si xoog leh u qabsadeen, taasi oo keentay dhimasho iyo dhaawacyo.

Warbixinta waxay sheegtay in ciidamada amniga la geeyay goobta si ay u baacsadaan kooxdii weerarka gaysatay. “Dhaawacyada waxaa lagu dabiibayaa isbitaalka IRC, waxaana la baacsanayaa weeraryahannadii,” ayay warbixinta booliisku ku sheegtay.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weli ku sugan yihiin meelo ay saldhigyo ka samaysteen, isla markaana ay leeyihiin xarumo indha-indhayn iyo kormeer ah oo ku yaal Fafi Sub-County.

Meydka dadkii la dilay waxaa loo qaaday Xagardheer si loogu duugo. Macawisley waa koox ciidan oo ay dowladdu taageerto, kuwaas oo ah maleeshiyaad bulsho oo hubaysan loona sameeyay la dagaallanka Al-Shabaab, gaar ahaan meelaha ay halista uga jiraan waqooyi-bari Kenya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed