Weerar ka dhacay Iiraan oo dhimasho & dhaawac loogu gaystay Garsoorayaal Maxkamaddeed

Wararka ka imaanaya magaalada Tehraan ee caasimada Iiraan ayaa sheegaya in weerar toogasho dhimasho & dhaawac loogu gaystay garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare ee Dalkaasi.

Wakaalada wararka Faris ee dalka Iiraan laga leeyahay ayaa baahisay in la dilay laba garsoore oo lagu kala magacaabo Maxamed Moqaiseh iyo Ali Razini, halka la dhaawacay garsoore saddexaad ee lagu magacaabo Qadi Miri.

Wakaalada ayaa sheegtay in ninkii weerarka hubaysan ku qaaday Garsoorayaasha uu isku toogtay isla goobta oo ku taal kadinka hore ee Maxkamadda.

Mas’uuliyiintu waxay isla markiiba bilaabeen baaritaan degdeg ah si loo ogaado sababaha iyo asalka weerarka. Ilaa hadda, ma jirto koox sheegatay masuuliyadda weerarka.

Mid ka mid ah garsoorayaashii la dilay ayaa noqday Maxamed Moqaiseh oo ahaa madaxa laanta 28-aad ee Maxkamadda Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ah ka mid ah dadka aadka looga yaqaan garsoorka ee Iiraan.

Wuxuu door muuqda ka qaatay maxkamadeynta mucaaradka siyaasadeed, gaar ahaan mudaaharaadyadii ka dhacay dalka kadib doorashadii madaxtinimada ee 2009-kii.

Sidoo kale, wuxuu xukumay xukunno adag oo isugu jiray dil toogasho ah iyo xabsi dheer oo loo geystay dhaqdhaqaaqayaasha siyaasadeed, saxafiyiinta, iyo xubnaha laga tirada badan yahay ee diimaha.

Garsooraha la dilay ayaa waxaa cunaqabateyn ku soo rogay Midowga Yurub, Mareykanka, iyo dalka Canada, sababo la xiriira doorkiisii wax loogu yeeray xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo xukunno loo arkay kuwo aan cadaalad ahayn.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed