Laba Weerar ay saaka ku soo qaadeen Kooxda Alshabaab deegaano ay kaga sugnaayeen gobolka Jubbada Hoose ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in la fashiliyey, waxaana la sheegay in lagu dilay horjoogayaal iyo xubno badan, ka dib markii Ciidamada ay ka warheleen Qorshaha ka dhanka ah.
Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in aroortii hore ee saaka la fashiliyay weerarka lagu soo qaaday deegaanka Harboole ee degmada Afmadoow, halka la fashiliyey weerar kale oo ay ku qaadeen deegaanka Buula-xaaji oo galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
Ciidamada dowladda oo muuqaalo soo duubay ayaa soo bandhigayey hub fara badan oo ay ku sheegayeen in ay ka furteen xubnihii weerarada soo qaaday.
Taliyaasha huggaaminaya Ciidamada ayaa sheegay in Alshabaab labada weerar uu khasaare xooggan ka soo gaaray, welina CXD ay sii wadaan howlgal daba gal ah xubno nolosha ku baxsaday oo ay soo bandhigi doonaan goordhow.
Dadka arimaha amniga darsa ayaa qaba in weerarada Alshabaab ku layso Ciidamada dowladda ay badi dhacaan xiliyada aroorta hore ah, markaa oo Ciidamadu hurdaan. Weerarada horay u dhacay ee ciidamada badan ku dhinteen waxaa ugu wayn Kii Galcad ka dhacay.
HBN ONLINE TV

