Dugsiyada waxbarashada ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa la fasaxay dhowr maalmood, iyada oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in go’aankan uu ka dambeeyey, si loo aado doorashada golayaasha deegaanka gobolka Banaadir.
War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegtay in howlaha waxbarashada ee Gobolka Banaadir la hakiyo inta u dhexeysa 21-ka Diseember ilaa 25-ka Diseembar 2025, waxaana la xirayaa dhammaan goobaha waxbarashada, oo ay ka mid yihiin dugsiyada, macaahidda, iyo jaamacadaha, si loogu diyaargaroobo doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmooyinka.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ka codsatay masuuliyiinta goobaha waxbarashada ee loo asteeyey doorashooyinka inay si habsami leh ula shaqeeyaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka.
Waxay sheegtay in Maalmaha waxbarashada la hakiyey lagu dari doono kaltirsiga sannad-dugsiyeedka 2025-2026-ka, si fursad nidaamsan oo waxbarasho dhamaystiran loo siiyo ardayda.
HBN Online TV

