Waxaa soo kordhaya shirkada diyaaradaha dalka ee adeegsanaya diyaarado ay leeyihiin

Waaxda duulista hawada ee Soomaaliya ayaa gaartay marxalad cusub, kadib markii shirkadda cusub ee Rayaan Air ay heshay diyaaraddeedii ugu horreysay, oo ah nooca Fokker 50 turboprop, taasoo 20-kii bishaan Febraayo ka degtay caasimadda Muqdisho.
Diyaaradda ayaa ka degatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle, kaas oo loo asteeyay inuu noqdo xarunta ugu weyn ee howlgalka shirkadda Rayaan Air.

War ay shirkaddu ku baahisay baraha bulshada ayay ku sheegtay in imaatinka diyaaraddan uu yahay tallaabo muhiim ah oo horseed u ah bilaabista duullimaadyada gudaha iyo kuwa goboleed, kuwaas oo lagu horumarinayo isku xirka gobollada iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Keenista diyaaraddan ayaa muujinaysa ballaarinta sii socota ee waaxda duulista Soomaaliya, iyadoo ay jirto baahi sii kordheysa oo loo qabo adeegyada duulimaadyada.

Todobaadkii hore ayey markii Shirkadda duulimaadyada jaban ee Cumaan, SalamAir ayshaacisay inay bilaabi doonto duulimaad toos ah oo ay ku tagayso Muqdisho laga bilaabo 3-da Sebtembar ee sanadkan 2026. Rayaan Air iyo SalamAir waxay ku biirayaan shirkado caalami ah oo horey uga howlgalay Soomaaliya, sida Turkish Airlines, Qatar Airways, Ethiopian Airlines, Kenya Airways, Flydubai, Air Arabia, iyo EgyptAir

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed