Waxaa maalintii labaad xabsi ku jira saddex wariye oo ciidamada booliiska ku xireen Muqdisho

Saddex wariye oo ciidamada ammaanka Soomaaliya ay ku xireen magaalada Muqdisho ayaa galay maalintii labaad iyaga oo xabsi ku jira, iyadoo weli aan la shaacin halka rasmiga ah ee lagu hayo iyo sababta loo xiray.

Wariyeyaasha xiran ayaa kala ah Cabdishakuur Maxamed Maxamuud (Shakra), Maxamed Ibraahim Bulbul iyo Cabdixafiid Nuur Barre. Sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo ilo xog ogaal ah, wariyeyaasha ayaa laga soo kala qabtay degmooyinka Wadajir iyo Waaberi, iyadoo la sheegay in jir dil loo geystay intii lagu guda jiray xariggooda, ka hor inta aan loo kaxeyn goob aan la shaacin.

Dowladda Soomaaliya ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin xarigga saxafiyiintan iyo xaaladdooda caafimaad oo dadkii u dhawaa welwel ka muujiyeen, kadib markii ay sheegeen in aan wax xog ah laga hayn.

Xirnaanshaha wariyeyaashan ayaa kusoo aadaya xilli toddobaadkan gudihiisa la xiray saxafiyiin kale oo ka howlgalayay warbaahino kala duwan oo ku yaalla Muqdisho. Arrintan ayaa walaac xooggan ku abuurtay bahda warbaahinta Soomaaliya, gaar ahaan wariyeyaasha gobolka Banaadir oo muddooyinkii dambe ka cabanayey handadaadyo iyo tacaddiyo la xiriira shaqadooda saxafinnimo.

Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore Sharif Sheikh Ahmed iyo Mohamed Abdullahi Mohamed, Ra’iisul Wasaare hore Hassan Ali Khaire iyo xildhibaan Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariyeyaasha, iyagoo ku tilmaamay cabsi gelin iyo isku day lagu aamusinayo warbaahinta madaxa bannaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed