Dowladaha Soomaaliya iyo Malawi ayaa bilaabay qorshe wada-shaqeyn cusub, kaddib markii dhawaan shaqada laga joojiyay tiro diyaarado ah oo ka diiwaangashanaa Malawi, kuwaas oo ka howlgalayay gudaha Soomaaliya, sababo la xiriira badqabka duulimaadyada.
Hay’adda Duulista Rayidka Malawi ayaa iskaashi u soo bandhigtay dhigeeda tan Soomaaliya, si loo xaqiijiyo dukumiintiyada iyo shatiyada ay adeegsadaan diyaaradaha sheeganaya in ay ka diiwaangashan yihiin Malawi. Iskaashigan ayaa sidoo kale lagu waafajinayaa nidaamka diiwaangelinta iyo badqabka duulimaadyada shuruudaha caalamiga ah iyo kuwa ay ku shaqeyso Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.
Ilo ku dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho ayaa xaqiijiyay in diyaaradahan ay inta badan adeegsadaan garoonkaas, isla markaana wada-shaqeyntan cusub ay fududeyn doonto hubinta saxnaanta diiwaangelinta iyo heerarka badqabka ee diyaaradaha ka howlgalaya dalka.
Isla ilahaasi ayaa intaas ku daray in Hay’adda Duulista Rayidka Malawi ay muddooyinkii u dambeeyay ka gaabisay ka jawaabista farriimo uga imaanayay dhanka Soomaaliya oo la xiriiray xaqiijinta diyaaradaha ay diiwaangeliyeen, balse kaddib go’aannadii shaqo-joojinta ay soo bandhigeen in la bilaabo hannaan wada-shaqeyn rasmi ah. Tallaabadan ayaa meesha ka saaraysa in Malawi ay bixiso shatiyo diyaarad aan la hubin badqabteeda ka hor inta aysan ka howlgalin hawada Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

