Wax ka ogow natiijada doorashooyinka Puntland oo la shaaciyey

Guddiga Doorashooyinka maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay Natiijada Doorshadii ka dhacday Magaalooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan, iyada oo ay ansixiyeen Xildhibaannada ku soo baxay codbixintaas oo kuraasta lagu tartamayey 81 ahaayeen.

Xisbiga KAAH ee Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa helay kuraas badan oo ka mid ah Saddexdaan degmo codadkii laga dhiibtay, sida ka muuqata jaantuska natiijada ee Guddiga Doorashooyinka maamulka Puntland Shaaciyay.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa isla xalay Ansixiyay xubnahaas ku soo baxay Doorashada codeyntii ay sameeyeen Dadweynaha iska diiwaangeliyay degmooyinka Garoowe, Dangorayo & Godobjiiraan sida lagu yiri war lagu daabacay barta Facebook ee PEC.

Afarta xisbi ee haysta aqlabiyada codadka ayaa kala ah: Kaah 27 horseed 17 Sincad 13 Mideeye 9 waxaana muuqata in uusan jirin xisbi helay Aqlabiyada codadka la dhiibtay.

Halkaan ka aqriso sida Codadka loo kala helay:

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed