Wax ka ogow kulamada Kismaayo uga socda madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubanaha ku matala BFS

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan wadatashig ah Xarunta Madaxtooyada kula yeeshay Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS ku matala Jubaland.

Xildhibaanada oo ku yimid martiqaadkii Madaxweynahu uu u fidiyay Xildhibaanada labada Aqal si wadatashi balaadhan looga yeesho xaalada guud ee siyaasada dalka ayaa wada latashiyada ay la yeelanayaan qeybaha Kala duwan ee Bulshada iyo hogaanka Dowladda Jubaland.

Waxaa kulamadan madaxtooyada Jubbaland horay u sheegtay in ay soco doonaan illaa 11-ka Bishaan November, iyada oo xildhibaano qaar aanay qeyb ka heyn shirkan gaar ah ee ka socda magaalada Kismaayo.

isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed