Wax ka ogow degmooyinka Gedo ee laga taageeray madaxweyne Axmed Madoobe!

Gudoomiyaasha degmooyinka Luuq, Baladxaawo, Doloow iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa taageeray dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland, iyagoo uga digay Madaxda DFS sida hadalka ay u dhigeen Khalkhal-galinta Amni aee y kawadaan Jubbaland.

Masuuliyiinta maamulada gobolka Gedo oo ka jawaabayey hadal uu warbaahinta u mariyey Duqa Gobolka ayaa sheegay in ay aqoonsanyihiin madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland.

Qaarkood ayaa carrabaabay in maalinta berri ay qaban doonaan banaanbaxyo lagu taageero loogu muujinayo Axmed Madoobe iyo dib u soo laabashadiisa, halka ay diideen in wax wada shaqeyn ah la yeeshaan guddoomiyaha Gobolka Gedo.

Madaxda maamulada kala duwan ee Gedo ayaa ka digay sida hadalka u dhigeen in Colaado laga ka huriso Deegaanada nabdoon ee Jubband.

Guddoomiyaha gobolka Gedo isu aqoonsan balse Jubbaland sheegtay in xilka ay ka qaaday Cabdallaahi Cabdi Jama ayaa faray masuuliyiinta degmooyinka dhan in mowqifkooda ugu jawaabaan 48 saac gudahood.

Degmooyinka dhiman ee aan weli mowqifkooda shaacin waxaa ka mid ah Baardheere, Buurdhuubo iyo Beledxaawo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed