Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xaalad adag ay maanta ka taagan tahay degmada Awdheegle oo weli ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana la soo wariyey in kooxdu ay wado falal isugu guryo gubis iyo laynta dadka halkaasi ku dhaqan.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa si adag u dhaliilay ugu Alshabaab gubitaanka xaafadda Malable ee degmada Awdheegle, isagoo ku eedeeyay kooxda ay wado wax uu ku tilmaamay xasuuq iyo caburin.
Wuxuu sheegay in falkaasi uu dhacay kadib markii shacabka deegaanka ay soo dhaweeyeen sida uu hadalka u dhigay howlgalka lagaga saarayo Alshabaab.
Guddoomiye Barre ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday dabkaasi, isagoo u rajeeyay in dhaawacyada Alle bogsiiyo, kuwa ku hanti waayayna uu Ilaahay bedel kheyr qabaa siiyo.
Dhanka kale, guddoomiyihii hore ee degmada Awdheegle, Saalax Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in galabnimadii shalay kooxdu gubtay xaafadda Malable, islamarkaana saddex gaari ku rarteen sida uu hadalka u dhigay dhammaan alaabtii taallay halkaasi.
“Magaaladu 60% hore ayaa loo gubay, wixii kalena shalay galab ayay dhammeystireen, illaa iyo hadda waa ay qiiqeysaa,” ayuu yiri Saalax.
Wuxuu intaas ku daray in inta badan dadka shacabka ah ay horey uga barakaceen xaafadda la gubay, ayna u guureen deegaanno u dhow degmada, halka qaar kalena ay u carareen magaalada Afgooye.
Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoo ay adag tahay in si dhab ah loo ogaado waxa ka socda gudaha degmada Awdheegle o ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Uganda ee ka tirsan AUSSOM ay xooga kaga saareen kooxda deegaannada Bariire, Sabiid iyo Canoole.
HBN ONLINE TV