Wasiirka Warfaafinta Puntland oo si iskhilaafsan uga hadlay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Iyadoo maamulka Puntland, uusan si buuxda uga hadlin aqoonsiga Somaliland ee ay Israa’iil shaacisay, ayaa Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir wuxuu muujiyay mowqifkiisa, isagoo siyaaba kala duwan oo is diidaya uga falcelshay aqoonsiga Tel Aviv ee Somaliland.

Wasiirka ayaa ku adkaysatay in aysan marnaba gorgortan ka gelayn midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isagoo soo xigtay dastuurka Puntland, isla markaana soo qaatay tusaale beelo & deegaanno.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo wareysi mid ka mid ah idaacadaha Puntland, ayaa sheegay in aysan jirin qayb ka mid ah Soomaaliya oo si gaar ah u qaadatay xornimo, isla markaana gobol kasta uu taariikh ahaan u jiray halkiisii.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in gumeysigii reer Yurub uusan qabiil qabiil wax ugu darin dhulka Soomaaliya, balse qabiil kasta uu haystay dhulkiisii.

“Calanka buluugga ah ee Soomaaliya ayaa lagu qaatay xornimada, mana jirin calan Somaliland ah oo markaas jiray. Qabiil qabiil wax looma dhiibin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Inkasta oo uu ahaa mas’uulkii ugu horreeyay ee ka hadla arrintan, kadib muddo todobaad ah, haddana Wasiir Caydiid ayaa mar kale sida hadalkiisii hore u muuqday mid khilaafsan ugu jawaabay boggiisa gaarka ah ee Facebook, isagoo sheegay in wareysiga uu bixiyay uu ku salaysnaa aragtidiisa gaarka ah.

“Waxaa muuqata in dad badani wareysiga aan bixiyey si khalad ah u fahmeen. Waxaan boggayga rasmiga ah ku caddeynayaa in wareysiga aan bixiyey uu yahay aragtida aniga ii gaarka ah ee ku saabsan midnimada Dalka Soomaaliya, mana aha mowqifka Dowladda Puntland,” ayuu yiri Wasiir Caydiid.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay jireen su’aalo la xiriira mowqifka Puntland ee ku aaddan aqoonsiga Somaliland ee ay heshay Israa’iil, muddo ku dhow toddobaad.

Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee Puntland ka hadla arrintaas, isagoo mar hore caddeeyay in maamulku taageersan yahay midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, balse goor dambe si kale hadalkii hore u dhigay.

Dhanka kale, weli maamulka Jubbaland kama hadlin arrintan, mana jirto wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed