Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa si kulul uga hadlay hadal dhawaan ka soo yeeray Wasiiro ka tirsan Dowladda Itoobiya oo ku aadanaa Heshiis dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.
Saraakiisha Itoobiya ayaa marar badan ku celceliyay in uu sax yahay heshiiska ay la galeen Somaliland, iyaga oo carabka ku adkeeyay in Itoobiya ay xaq u leedahay in ay gasho heshiiskaas. Heshiiskan oo dhacay horraantii sannadkan, ayaa ku lug leh in Itoobiya ay hesho biyaha gobolka Awdal, taas oo beddelkeeda ay Itoobiya u aqoonsanayso Somaliland dal madax-bannaan. Somaliland oo ku dhawaaqay madax-banaanideeda, ayaa in muddo ah raadinaysay aqoonsi gooni ah oo ay ka hesho Soomaaliya iyo caalamkaba, mowqifkaas oo ay dowladda Soomaaliya si weyn uga soo horjeedo.
Wasiir Jaamac oo ka jawaabaya waxa uu ku tilmaamay hadalada ka soo yeeraya Wasiirada Itoobiya kuwo marin habaabin ah oo dhalanteed ah, loogana dan leeyahay in laga faa’iidaysto siyaasadda gudaha. “Farriimaha marin-habaabinta ah ee ay baraha bulshada ku faafiyaan wasiirrada Itoobiya waa qarow, Itoobiya way og tahay in aanay qaadan karin qayb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed..natiijada riyooyinkan oo kale waa la garanayaa way dhammaadeen!” ayuu yiri Wasiir Nuur, wuxuuna ku nuux-nuux saday in heshiisyadaas ay yihiin kuwa ka baxsan qaanuunka iyo sharciga.
Dowladda Soomaaliya ayaa si joogta ah u cambaareysay heshiiskan, iyadoo u aragta mid halis toos ah ku ah madax-banaanideeda iyo dhulkeeda. Heshiiskaas oo aan weli dhaqan gelin, inkastoo ay labada dhinac ee Itoobiya iyo Somaliland rajo ka muujiyeen, haddana mucaaradnimada adag ee Soomaaliya waxay abuurtay caqabad weyn.
Mawqifka dawladda Soomaaliya waxa uu muujinayaa sida ay uga go’an tahay in ay dhawrto midnimada dhuleed ee ka soo horjeeda heshiis kasta ama aqoonsi kasta oo ay u aragto in aanu sharci ahayn.
HBN NEWS DESK