Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Difaaca, isagoo faahfaahin ka bixiyay xaaladda dagaallada ka socda dalka, khasaaraha lagu gaarsiiyay kooxda Alshabaab, iyo doorka ay siyaasiyiinta qaarkood ku leeyihiin xaaladda amni ee hadda taagan.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in 48-kii saac ee la soo dhaafay ciidamada dowladda oo ay garab siinayaan kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamka, ay fuliyeen howlgallo culus oo lagu dilay 120 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, halka tiro kalena lagu dhaawacay. Waxa uu xusay in muddadaasi ay ahayd mid aad u adag oo kooxda ay khasaaro weyn la kulantay.
Sidoo kale, howlgal habeenkii xalay ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, oo ay fuliyeen Ciidamada gaarka ah ee Danab iyo saaxiibada caalamiga ah, ayuu sheegay in lagu dilay 30 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, isla markaana la soo qabtay xubno kale oo hadda baaris lagu hayo.
Wasiirka ayaa xusay in howlgal kale oo ay ciidamada NISA ka fuliyeen deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Shabeellaha Hoose lagu dilay horjoogihii kooxda u qaabilsanaa abaabulka weerarada hoobiyeyaasha ee magaalada Muqdisho, iyo tiro ilaalo u ahayd.
Isagoo sii hadlaya ayuu wasiir Fiqi sheegay in ciidamada deegaanka iyo kuwa xoogga dalka la wareegeen deegaan lagu magacaabo Garof, oo hoos yimaada Aadan Yabaal, ayna meel gabagabo ah marayaan qorshayaal cusub oo dagaal rogaal celis ah oo ay wadaan taliska iyo wasaaradda difaaca.
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa si kulul u dhaliilay qaar ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ah, isagoo ku eedeeyay inay afkooda ku taageeraan kooxda Alshabaab. Wuxuu si cad u sheegay in xildhibaano Soomaaliyeed ay taageero siyaasadeed iyo mid hadalba siiyaan kooxda, iyagoo sheegaya in ciidanka xoogga uu burburay, halka aysan wax hadal ah ka oran deegaannadooda oo ay Alshabaab haystaan.
Wasiir Fiqi ayaa ugu baaqay xildhibaanadaasi inay ka laabtaan ficiladooda, isagoo yiri:“Fursad ayaad heysataan, siyaasadiina ku mashquula, kana daaya inaad afhayeen u noqotaan Alshabaab. Waajibkii deegamadiina idinka saarnaa baa gabteen, waxaad gabteen garab istaagga Ciidamada qaranka iyo Macawisleyda dhufeysyada hore ku jira iyo inaad kaalintiinii ciyaartaanm, waxaad gabteen inaad ilaalisaan shucuurtii dadka Soomaaliyeed.”
Warkan ayaa imaanaya iyadoo ciidamada dowladda ay wadaan dagaallo culus oo lagu cirib tirayo kooxda Alshabaab guud ahaan gobolka Shabeellah dhexe iyo Hiiraan.
Weli wax jawaab ah kama aanay bixin xubnaha Mucaarad ah eedaan culus ee kaga timid wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, xili ay dhowr jeer oo hore su’aalo galiyeen sida loo maamulo ciidamada qaranka.
HBN ONLINE TV