Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa sheegay in dowladdu ay kordhisay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al shabaab ee ka socda gobollada dalka, si looga xoreeyo deegaannada cusub ee ay gacanta ku hayaan kooxdaas.
Jaamac ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn ee ciidanka loo aas aasay ay tahay sidii ay dalkooda, dadkooda iyo diintooda u ilaalin lahaayeen, taasina ay ku imaan karto wadashaqeyn dhow oo dhexmarta ciidanka iyo shacabka.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in tababarrada ay siisay dowladda Federaalka ay ku soo arkeen dhalinyaro u diyaarsan difaaca dalkooda sida halyeeyadii iyo geesiyaashii ka soo shaqeeyay halgankii xorriyadda dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saaraysa sidii dib loogu habeyn lahaa howlgallada adag ee ka dhanka ah kooxda, oo horay uga billowday gobollada dalka, balse maalmihii la soo dhaafay waxaa hakad ku yimid muddo kooban howlgalladii.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday dagaal guud oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana uu sheegay in la joogo xilligii la isku soo wada jeesan lahaa sidii looga adkaan lahaa maleeshiyaadka Shabaab, waxaana uu tilmaamay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada ay ka sameeyeen qaar ka mid ah gobolada dalka ay guulo waaweyn ka soo hoyeen.
HBN NEWS DESK