Wasiirka gaashaandhigg Soomaaliya oo safiirka Mareykanka kala hadlay la dagaalanka Argagixisada

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta kulan uu la qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Richard H. Riley kagala hadlay iskaashiga labada dowladood ee dhanka amniga iyo hawlgallada wadajirka ah ee lagula dagaalamayo kooxaha Alshabaab iyo Daacish.

Labada dhinac ayaa isla meel isla dhigay muhiimadda wadashaqeynta joogtada ah ee ku wajahan sugidda nabadda, xasilloonida iyo adkeynta awoodda ciiddanka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa si gaar ah u bogaadiyay taageerada muuqata ee Dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka, qalabaynta iyo la-tashiyada la xiriira hawlgallada ka dhanka ah kooxaha loogu yero argagixisada.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in iskaashiga Mareykanka uu door weyn ka ciyaaray xoojinta amniga gudaha iyo kan gobolka.

Danjire Riley ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso Soomaaliya, iyadoo mudnaanta la siinayo sugidda amniga, taageeridda horumarka ciiddamada qalabka sida iyo guul ka gaarista dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed