Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Cumar Yuusuf oo loo yaqaano “Abuu Yuusuf” ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay wadada dhinaceeda xili uu ku sii jeeday deegaanka Buulo Xaaji oo dhanka galbeed kaga beegantahay magaalada Kismaayo ee Caasimada gobolka Jubbada Hoose.
Waxa uu la socday ciidamo gurmad iyo xoojin ah oo daba socday weerarkii maanta Al-Shabaab, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.
Barqanimadii maanta ayaa dagaalyahano ka tirsan AlShabaab waxay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamada dowladda oo ku sii jeeday furimaha dagaalka ee Yoontooy, Farwaamo, iyo Cabdalla-Biroole oo dhammaantood ku dhow magaalada Kismaayo, waxaana la sheegeen in ay iska caajibyeen. ciidamada dowladda ayaa ay xoojinayay ciidamada kale furinta ku sugan.
Dhaawaca wasiirka ayaa maanta laga soo dejiejey magaalada Muqdisho si xaaladiisa caafimaad loogu dabiibo, Wararka ayaa sheegaya in wasiirka xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.
HBN ONLINE TV

