Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadam ayaa magaalada Geneva kulan kula qaatay madaxa shirkadda Gavi Dr Sania Nishtar oo ka qeyb galay shirka 77-aad ee caafimaadka adduunka ee ka socda magaalada Geneva. Labaduba waxay ka wada hadleen tillaabooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo daboolida tallaalka joogtada ah iyo hubinta in ilmo aan laga talaalin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Cali waxa uu ka qayb galay shirkii 77-aad ee caafimaadka adduunka, kaas oo lagu qabtay Geneva, waxaanu kula kulmay madax badan oo caalamka ah oo ay ka wadahadleen arrimo khuseeya danaha labada dhinac. Doodaha muhiimka ah ee kulanka ayaa diiradda lagu saaray isku xirka siyaasadda caafimaadka gobolka iyo wax ka qabashada caqabadaha la wadaago.
Golahan oo sanad walba ku shira xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, ayaa lafo-gur ku sameeya howlaha kor u qaadaya caafimaadka adduunka, waxayna go’aanno muhiim ah ka gaaraan dalalka caalamka.
HBN NEWS DESK