Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa si dadban u sheegay in khilaafkii u dhexeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya la soo afjaray, isagoo guushaas u aaneeyay wax uu ku tilmaamay “dulqaadka diblomaasiyadeed” ee Soomaaliya.
Fiqi ayaa sidoo kale dhaliilaha ka imaanaya mucaaradka ku tilmaamay kuwa aan “diblomaasiyad ku dhisnayn,” sida hadalka uu u dhigay, taas oo loo fasiray inuu difaacayo isfahamka cusub ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa.
“Arrintii nagala dhaxeysay Itoobiya waxaa lagu xaliyay dulqaadka Soomaaliya iyo kalsoonida lagu qabo, madama ay dhulkeeni nagu qabsatay, diblumaasiyadda waa wada hadal” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Hadalka Wasiir Fiqi ayaa ku soo aadaya xilli horaantii bishii hore ee Decembar ay heshiis ka gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya khilaafkii u dhexeeyey, si loo dhammeeyo xiisaddii ka dhalatay is afgaradka Somaliland.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Addis Ababa ay u muuqato inay guul istiraatiiji ah ku gaartayso arrimahan iyadoo ka faa’iideysanaysa kala qaybsanaanta iyo khilaafaadka gudaha Soomaaliya.
HBN ONLINE TV