Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa dalka Masar kala hadlay ku biirista Qaahira ee howlka 2025

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaliya Axmad Macalin Fiqi oo ku sugan magaalada Qaahira ayaa ka hadlay xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Somaaliya iyo Masar, Kaas oo gaaray siduu hadalka u dhigay meeshii ugu sareeysay.

Wasiir Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Masar ay ka mid noqonayaan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Africa ee AUSSOM, Kaas oo badalaya howlgalka sii dhamaanaya ee ATMIS sanadkan maalmaha kooban ka harsan yihiin.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaliya Axmad Macalin Fiqi Ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay ka faa’iidaysan doonto ciidamada Masar ee qaybta ka noqnaya howgalka AUSSOM iyo tabbabarada ay siin donaan Ciidanka Soomaliya.

Sida oo kale wsiirka arimaha Dibedda Masar Badar Abdelatty ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay Fiqi ay isku soo hadal qaadeen xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dadaallada la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada, iyo fududeynta dhismaha howlgalka AUSSOM.

Xiriirka Soomaaliya iyo Masar ayaa saanadkaan kor u soo xooggeystay, waxaana labada dal ay hore u wada saxiixdeen heshiisyo la xiriira dhinaca Difaaca iyo horumarinta danaha guud.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed